Monday, January 2, 2023

madax wayne xassan sheekh maxamudd oo maanta kula hadli xerada ay magaalada mogamdisho ku lee yhiin ciidanka xooga dalka oo dhawaan tababar loogu soo xiray arethria

 








MADAXWEYNE XASAN SHEEKH "HOWLGALKA CUSUB EE DEEGAANADA DHIMAN LAGU XOREYNAYO WAA IN UU KA DEG DEG BATO KUWII HORE"


Muqdisho, Janawari 02, 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta kormeeray Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan Ciidamada Xoogga dalka ee tababarka kusoo qaatay dalka Ereteriya ayaa faray in ay u diyaar garoobaan ka qayb galka dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-shabaab.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Qaybta Ilaalo Qaran gaar ahan Gaaska koowaad ee Duufaan ayaa la wadaagay rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka  gabagabada maraya ee dalka looga ciribtirayo Khawaarijta.


"Aniga iyo shacabka Soomaaliyeedba waan ku faraxsanahay dib usoo laabashadiina. Maanta wixii ka dambeeya waxaan galeynaa diyaar garoow iyo dhaqaaq aan ku wajahayno cadowga. Waxaan rabnaa in howgalka cusub ee deegaanada dhimman lagu xoreynayo uu ka degdeg bato kii hore, muddo koobana lagu soo afjaro".


Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa uga mahad celiyay Dowladda Ereteriya garab istaagga ay u muujisay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed waqtiga adag ee lagu jiro dib u xoreynta dalka.

  

DHAMMAAD



No comments:

Post a Comment

Note: Only a member of this blog may post a comment.

hello

https://vermilion-tomato-cfb72j.mystrikingly.com/